Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil sargaal katirsan ciidamada Puntland loogu geystay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Cabdi Raxmaan Xasan Nuur (Gaandi) ayaa kooxo hubeysan ay ku dileen gudaha magaaladda Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Wararka ayaa intas ku daraya in kooxdii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen waxaana gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka.
Ilo wareedyo aan heleyno ayaa sheegaya in Sargaalka la dilay uu kamid ahaa taliyaasha guuto kamid ah kuwa madaxweynaha maamulkaas Cabdi Wali Gaas.
Wararka Saaka naga soo gaaraya Gaalkacyo ayaana sheegaya in xaaladda magaaladda dhana Waqooyi ay tahay mid kacsan waxaana howlgallo xoogan wadda ciidamada amaanka.
Gaalkacyo ayaa amaan aheyd xiliyadii ugu dambeeyay, waxaana dilka sargaalkan uu kusoo aadayaa xili madaxweynaha Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay magaaladaas ku sugnaa
Hoos ka Dhageyso Codka:-