Taliyaha Saldhiga Booliiska Cismaan Mucallimu “Ammaanka Garbahaarey Waa Uu Wanaagsan Yahay”.

0

Garbahaarey1Garbaahrey (AGGM): Taliyaha saldhigga booliiska magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo.

Taliyaha saldhigga booliiska Garbahaarrey Cismaan Mucallimu oo wareysi siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in aniga uu hadda yahay mid si buuxda gacantooda ugu jiray, islamarkaana la adkeeyey, lagana hortagay wax kasta oo keeni karay nabadgelyo xumo.

Wuxuu dhanka kale xusay in uu wanaagsan yahay xiriirka ciidamada kala dhexeeya shacabka, wada-shaqeyn wanaagsanna ay kala dhexeyso ciidamada Ahlu-Sunna Wal-Jameeca Garbaharey ku sugan.

Ciidanka amniga Garbahaarrey waxay dhawaan xireen askar lagu eedeeyey in ay xabsiga ka siidaayeen nin lagu tuhmay in uu xubin ka yahay kooxda Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com