Muqdisho (AGGM): Raggan eedeysanayaasha ayaa ku loo heystaa in ay ku lug lahaayeen weerarkii xarunta ganacsiga Westgate lagu qaaday bishii September, taasoo ay ku dhinteen in ka badan 67 ruux halka ku dhawaad 200 ruuxna ay ku dhaawacmeen.
Afarta ruux ee maxkamad la soo taagayo ayaa kala ah Max’ed Axmed Cabdi, Liibaan C/llaahi, Aadan Ibraahim iyo waliba Xusseen Xassan.
Ragan ayaa lagu soo eedeeyay inay dableydii weerarka ka dmabeeyay inay taageereen, qaarna ay guryaha ku qariyeen.
Ragga maxkamada la soo taagayo kuma eedeysna in ay ka mid ahaayeen ragii gudaha u gallay dhismaha, laakiin waxaa ay ku eedeysan yihiin in ay wax badan ka ogaayeen weerarka.
Laamaha nabad-galyada dalka Kenya ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii Westgate waxaa ay siweyn ugu howlanaayeen la socoshada dhaq-dhaqaaqyada guud ee ka jira dalka, iyaga oo baaritaano xoog leh ku haya guud ahaan dalka Kenya oo sida ay sheegeen ka baadi-goobayaan dad xiriir la leh argagixisada.
Al-Shabaab oo sheegatay weerarki Westgate ayaa ku goodisay inay weeraro ka geysanayso gudaha Kenya.
Waa markii u horeysay ee Maxkamad la soo taago dad lala xirriirinayay inay ku lug lahaayeen weerarkii Westgate ka dhacay 21 September.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com