Qaban Qaabada Munaasabadda Xiritaanka Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Oo Socota.

0

Breaking-NewsMuqdisho (AGGM): Waxaa si heer sarre ah u socota qaban qaabada munaasibadda xiritaanka shirweynaha dib u heshiinta shacabiga deegaannada Jubbooyinka oo maalintii saddexaad Muqdisho socda.

Shirweynaha ayaa galinkii hore ee maanta waxa ay ergadu ka doodeen hal qodob oo ahaa sida lagu horumarin karo adeegyada Bulshada shacabka Jubbooyinka, iyadoo guddiyada afarta ah ee qodobkaasi ka doodayeyna ay soo dhammeysteen howlahooda, waxaana natiijada tallo soo jeedintooda la hor keeni doonaa munaasibadda xeritaanka shirweynaha oo ay socoto qaban qaabadeeda.

Guddiga Qaban Qaabada oo ay ku jiraan xubno wasiirro ah ayaa ku howlan munaasibadda xeritaanka oo daqiiqado kaddib bilaaban doonta, waxaana ka soo qeyb-galaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ethiopia oo Muqdisho soo gaaray, wafuud kale oo caalami ah iyo masuuliyiinta dowladda iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Gabagabada munaasabadda ayaa waxaa lagu kala saxiixan doonaa heshiis nabaddeed, iyadoo intaasi kaddibna madasha laga akhrin doono war-mutiyeed dhammeystiran oo ay ka muuqdaan dhammaan qodobbada lagu heshiiyey ee shirweynaha dib u heshiisiinta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com