War Deg Deg Ah: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Jowhar.

0

Breaking-NewsJowhar (AGGM): Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daqiiqado ka hor soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Booqashada Madaxweynaha ee magaalada Jowhar oo ah tii labaad oo uu ku yimaado muddo ku siman labo bilood ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid uu si dhab ah ugu ogaanayo xaalada fatahaadaha ee ka jira degmada Jowhar.

Wafdiga uu horkacayo madaxweynaha ayaa waxa ay ka soo degeen garoonka kubbada cagta ee magaalada Jowhar iyagoo saarnaa diyaarad Helicopter ah.

Madaxweynaha ayaa bishii September safar dhinaca dhulka ah ku tagay Jowhar, hase ahaatee waxaa haatan ku qasabtay in diyaarad Helicopter ah ku yimaado fatahaada wabiga Shabelle iyo go’doonka ay ku jirto magaalada oo wadooyinka laga soo galayay ay biyo xireen.

Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar guddoomiye ku xigeenka 1aad ee maamulka gobolka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdulle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe.

Ammaanka degmada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan oo isugu jira Soomaali iyo AMISOM ay ku sugan yihiin wadooyinka magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kula kulmayaa garoonka dayuuradaha ee magaalada Jowhar maamulka degmada Jowhar,odayaal dhaqameed,haween iyo dhalinyaro.

Degmada Jowhar ee u ah xarun gobolka Sh/dhexe ayaa muddo saddex bilood ah waxaa ka jiray fatahaado saameeyey isu socodka gaadiidka dadka iyo xoolaha iyado sidoo kale ay fatahaaduhu saameeyeen dalagyadii u soo go’i lahaa beeralayda xilliga deyrta.

Dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ka gaabisay sidii ay wax ugaga qaban lahayd fatahaadaha iyadoo uusan jirin mas’uul ka socda dowlada oo weli soo booqday deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen.

Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo beegantay iyadoo maanta markii ugu horeysay maleeshiyo beeleedyo wada dega degmada Jowhar ay ku dagaalameen duleedka Jowhar.

Wixii ku soo kordha booqashada madaxweynaha ee magaalada Jowhar kala socod www.jowhar.com filo dhowaan codadka iyo sawirada booqashada madaxweynaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com