Muqdisho (AGGM): Munaasabad lagu maamuusayay waxqabadka wasaaradda arrimaha dibadda uuna soo qaban qaabiyay gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa lagu qabtay xarunta degmadaasi.
Munasabadan oo xalay lagu qabtay xarunta degmada Wadajir ayaa waxaa goob joog ka ahaa R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan xildhibanno, godomiyaha gobolka Banaadir qaar ka tirsan godoomiyayaasha dagmooyinka gobolka, ururada bulshada haweenka Qaranka iyo marti kale.
Munasabadan oo lagu tageerayay waxqabadka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee sanadkii la soo dhaafay iyo horumarada iyo guulaha ay wasiirka wasaaradaasi Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ka soo hoysay dhinaca arrimaha dibadda. Waxaana mas’uuliyiintii ka qeybgashay xafladaasi ka hadleen guulaha ay wasiirka u soo hoyday umadda Soomaaliyeed.
Godoomiyaha dagmada Wadajir Axmed Xasan Caddow “Daaci’’ oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in qofka marka uu geeriyoodo inta badan la xuso taariikhdiisa, balse taa bedelkeeda uu xafladan u soo qaban qaabiyay in la xuso waxqabadka wasiirka arrimaha dibada iyo guulaha ay ka soo hoysay xiriirka dibadda iyadoo goob joog ka ah.
Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan’’ godoomiyaha gobolka banaadir ayaa sheegay in Fowsiya ay ka soo dhalaashey mudadii sanadka aheyd ee la soo dhaafay howlihii loo igmadey ee ahaa hormarinta xiriirka arrimaha siyasadda dibadda Soomaliya.
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo munasabadda soo xirtay ayaa mahadcelin kadib waxa ay ka Sheekeysay waxqabadkeeda mudadii sanadka aheyd taasi oo ay si weyn ugu riyaaqeen dadkii ka qeybgalay munaasabada sacab iyo sawaxana ku taageeray wasiirka.
Godoomiyaha gobolka banadir iyo godomiyaha dagamada Wadajir ee isagu qabtay munasabadan ayaa si wadajir ah waxey shahaaddo sharaf iyo dhiil ka tarjumeysa hiddaha iyo dhaqanka Soomaliya waxey u godoonsiiyeen R/wasare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com