Xog La Helay: Maxaa Xalay Ka Socday Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Ee Villa Soomaaliya?

0

villa-somaliaMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu caawa kulmo Xildhibaanada beel beel ulla qaatay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyna Xasan Sheekh uu Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday
inay ku garab galaan sidii meesha looga saari lahaa Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid.

Xildhibaan ka gaabsaday magaciisa oo kamid ahaa Xildhibaanada xalay la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u
xaqiijiyay Warbaahinta caalamiga ah ee Allgalgaduud Media in Madaxweyne Xasan Sheekh sidii caadadiisaba ahayd uu
Xildhibaanada beel walba u sameeyay balan qaad, balanqaad kaas oo lagu sheegay inuu Madaxweynaha Xildhibaanada
qaar ka mid ah uu ku yiri “Abshir R/wasaaraha beeshiina ayaan siinayaa ee maanta uun mar i bad baadiya”, halka
Xildhibaanada beelaha kale qaarkoodna uu ku yiri waxaan idin siinayaa Wasiiro,Safiiro, Lacag, Mashruucyo horumarineed
oo deegaanadiina ah iyo xilal kale oo kala duwan.

Masuulka goob jooga ka ahaa kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibaanada ayaa waxa kale oo uu inoo sheegay in
Madaxweynaha ay ka taagan tahay halkii ugu dambeeysay, “Adeerow caawa haddii Madaxweyne Xasan aanu ku dhihi
lahayn waan ku taageereeynaa ee dalka noo saxiix, waxaaba ka suuroowday inuu noo saxiixo, Xukuumada Saacid ayaa
Dastuurka, Dalka iyo Dadkaba uga daran”.

Xidlhibaanka oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu u balan qaaday min Xildhibaan inuu siin
doono haddii uu ku guuleeysto mooshinka lacag gaareeysa min Xildhibaan $50,000 oo doolar, waxaana uu hoosta ka
xariiqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay nin aan weligiis balan uu qaaday ka soo bixin, in uuna yahay nin aad u
jecel dadka Soomaaliyeed inuu iska horkeeno ama khilaaf dhexdooda ka abuuro si uu isagu dantiisa u gaaro.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hilmaamay halki ay mareen Madaxdi ka isaga
horeeysay ee Xildhibaanada siin jiray laaluushka faraha badan si ay u jabiyaan sharciga, waxaa kale oo muuqata in
Madaxweyne Xasan uu hilmaamay sidii madaxdi ka horeeysay Xildhibaanada Baarlamankan Cusub ulla dagaalameen iyo
sida uu isagu ku yimid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com