Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Soo Gabagabeeyay Akhrinta Labaad Ee Hindise Sharciyeedka Bankiga Horumarinta.

0

Mudane-JawaariMuqdisho (AGGM):Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir Gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayadoo goobjoogna ay ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla ayadoo fadhiga Baarlamaankana ay soo xaadireen 195Xildhibaan,bilowgiina waxaa la dhaariyey Laba Xildhibaan oo cusub.

Markaasi kadib Xildhibaannada Baarlamaanku waxey sii gudagaleen ajandayaasha Golaha Shacabka oo ay ugu horeysay dhageysiga warbixinnada Gudiyada joogtada ah qaarkood ugu horeynna Gudoomiyaha gudiga Beeraha iyo kheyraadka Dalka Mudane Saciid Maxamed Cali oo isagu Golaha u faah faahiyey halka ay mareyso howsha hindise Sharciyeedka Kalluumeeysiga Dalka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha iyo Amniga ee Baarlamaanka Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa iyaduna dhankeeda waxa ay Golaha Shacabka warbixin ka siisay halka ay mareyaan howlaha gudigaasi iyo shuruuc dhankooda laga sugayo.

Gudoomiye ku xigeenka Gudiga xuquuqul Insaanka,arimaha bani’aadannimada,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo gudigooda uu ka mid ahaa gudiyadii Warbixinnada laga dhageysanayey waxa uu Mudaneyaasha Golaha Shacabka u faah faahiyey halka ay mareyso sharciga Xuquuqul Insaanka Dalka waxaana uu xusay Sharcigaasi in gudigoodu dhowaan la tashiyo kala sameynayo shacbiga.

Xildhibaannada Golaha Shacabku waxey maanta soo gebagebeeyeen akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dib u dhiska Bankiga Hormarinta Soomaaliya ayadoo Xildhibaannadana ay Su’aallo weeydiiyeen maalntooda Labaad Gudoomiyaha Bankiga Hormarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ka sokoow su’aalahaasina waxa ay Mudaneyaasha Golaha Shacabka soo jeediyeen talooyin.

Gudoomiyaha Bankiga hormarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya Prof C/laahi Axmed Afrax oo jawaab ka bixiyey Su’aallaha ay weeydiiyeen Xildhibaannada ayaa xusay in Bankiga hada uu diyaariyey mashaariic hormarineed oo ay ka mid tahay dib u howlgelinta Warshadii Baastada, sidoo kalena ay jiraan dalal badan oo caalamka ah kuwaasi oo diyaar u ah Bankiga laakiinse ay howshaasi ku xirantahay ilaa Baarlamaanku sharcigan ka ansixiyo.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Rashiid oo isaguna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Gudoonka uga mahad celiyey waqtiga ay geliyeen hindise Sharciyeedkan waxaana uu Mudaneyaasha Baarlamaanka ka codsaday iney hindise Sharciyeedkan meel mariyaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa ku wargeliyey Xukuumadda hada kadib shuruuc walba oo ay Golaha Wasiirradu soo ansixiyaan nuqullo looga diro maamul goboleedyada dalka ka jira si ay talooyin ugu yeeshaan hindise Sharciyeedyada waxaana uu sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka hadlay in hada kadib hindise sharciyeedyada saameynta ku leh in dalka uu gaaro 2016ka marxalad ay dadweynuhu rabitaankooda wax ku doortaan ay noqon doonaan kuwa horutabinta leh ama muhiimadda la siinayo,sidoo kalena Waxa uu Afhayeenka Baarlamaanka si adag ula dardaarmay Xildhibaannada.

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka u degsan oo ay ku shaqeeyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka oo isagu ka kooban 87qodob ayaa 15ka mid ah waxa ay si gaar ah uga hadlayaan hindise sharciyeedyada Golaha la horkeenayo ayadoo hindise sharciyeedka dib u dhiska Bankiga hormarinta Soomaaliya uu hada u gudbay marxaladda Seddexaad maadaama uu hada maray laba akhrin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com