Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay Xisaabiyihii Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin “Siraaji”, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Waxaana shir guddoomiyay kulankaasi Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyadoona xilkaasi Goluhu ay u magacaabeen Marwo Faadumo Cusmaan Faarax, taas oo horay uga soo shaqeysay Bankiga Dhexe ee dalka.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u soo jedisay xilka qaadista Xisaabiyaha Guud, kaas oo maanta si Rasmi ah xilkii looga qaaday.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda Toddobaadlaha ah uga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin dardargelinta howlaha horyaala Xukuumadda.