Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM qarax Miino Duhurnimadii maanta lagula eegtay duleedka degmada Waajid ee Gobolkaasi Bakool.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa in waxyeelo ay ka soo gaartay ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen Nawaaxiga deegaanka Buurdhuxule ee Gobolka Bakool.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaaro xoogan ciidamada Itoobiya uu ka soo gaaray qaraxaasi, walow aan la’ogeyn inta uu la eegyahay.
Xarakada Al Shabaab oo sheegatay musuuliyadda qaraxan ayaa waxaa ay Bartooda Internetka ku shaaciyeen in halkaasi ay ku dileen saraakiil Itoobiyaan ah, islamarkaana khasaaro Lixaad leh ay gaarsiyeen ciidankaasi, sida ay hadalka u dhigeen.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah oo ku aadan qaraxaasi.
Balse xiriiro aanu la sameynay maamulka Gobolka Bakool ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan waxyeelada Rasmiga ah ee ka dhalatay Qaraxaasi.
Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa had jeer weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.