DHAGEYSO WARBIXIN : Suudaan oo Balanqaad Hoose u sameysay Dowladda Soomaaliya.

0

Dawladda Suudaan ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay ka taageereyso dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Al Bashiir yaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya oo Nabad noqota ay muhiim u tahay guud ahaan Gobolka, islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in laga qeyb qaato Nabadeynta Soomaaliya.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhincyada, Waxbarashada, tababarka ciidanka Xoogga, iyo mashaariic dib loogu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed “Farmaajo” ayaa uga mahadceliyay dowladda Suudaan taageerada ay u muujisay Soomaaliya xilliyadii burburka lagu jiray iyo xilligan la joogo intaba.

Sikastaba Suudaan ayaa ka mid ah dalalka xariirka dhow la leh dowladda Soomaaliya, waxaana inta badan dowladda Suudaan ay Soomaliya ka taageertaa dhinaca waxbarashda.