Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynihii xilka laga qaaday ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose,halkaasoo la filayo in maalmaha soo socda uu ka furmo shirka Maamul Goboleedyada ee uu ku dhawaaqay Axmed Madoobe.
Warkan ayaan intaasi waxa uu ku darayaa in Xaaf, safarkiisa ay ku wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug,waxaana ay ka qey gelayaan shirka Kismaayo.
Xaaf Wasiirrada Kismaayo u raacay waxaa ka mid ah Waxbarashada,Dastuurka,howlaha guud iyo Gaadiidka,waxaana Magaalada Kismaayo uga qeybgelayaan Shirka Magaaladaas lagu wado in uu ka furmo.
Sidoo kale madaxda maamulka Puntland waxaa la filayaa in Garoowe ay ka duulaan Wafddi uu hoggaaminayo madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.
Dhinaca kale warar aan la xaqiijin karin ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafddigii uu hoggaamin lahaa aysan ka qayb galeen shirkan maamulada uga furmaya magaalada Kismaayo.
Isku soo wada duuboo shirkan oo uu qorshuhiisa ahaa in uu maanta furmo ayuu Maamulka Jubaland ee marti gelinayay sheegay in uu dib u dhacay sabab la xiriirta Madaxda dowlad Goboleedyada oo aan wali xaadirin shirkaas.