Madaxweyne ku xigenka Puntland oo Nasasho ku jooga Dalka Zambia ayaa La kulmay Jaaliyadda soomaaliyeed ee Dalkaasi,
Wuxuuna oga warbixyay Xaaladda Dalka, Gaar ahaan Dhinacayada Siyaasadda iyo Hormarka oo uu sheegay iney meel wanaagsan Marayaan,
Camey ayaa sheegay in loo baahanyahay in la cadeeyo ajandaha Ama Mowqifka Laga leeyahay Shirka Bari ka furmaya Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.
“Waxey ku qumanaan laheyd Shir walba ajanduu leeyahay, Si Umada soomaaliyeed ay ugu qanacdo Shirka u jeedadiisa, umada haloo sheego, waayo Waxaan doonayno waa Dowladnimo ” Ayuu Yiri Madaxweyne Ku Xigenka Puntland oo la hadlayay Jaaliyada Zambia.
Dhinaca Kale wuxu soo hadal qaaday Arinta dekedda Boosaso & Sabaha hortaagan in loogu wareejiyo shirkadii Heshiiska ay La gashay Dowladda ee DP World
” Dib u dhac yar ayaa dekdda Ku Yimid, waana la dhameystiraya, dhakhsana waa loogu wareejinaya Shirkadda, Waxaa la yiri Guryaa la isku qabsaday, War Guri Iyo Deked yaa weyn ? , Iyadana hadda iyadoo dhaw-dhaw ayaan ka soo Tagay waana iska Dhamaan Doontaa, ayuu Yiri Madaxweyne Xigenka Puntland.
Madaxweyne ku xigenka Puntland ayaa dhinaca Kale meesha ka saaray inuu jiro wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay muuqato iney jiraan waxyaabo kala duwan oo ay ku kala argti duwnaadeen,
Marka Loo eego ka qeybgalka Shirka Kismaayo oo Camey uu ka soo Horjeestay, Shaqo joojin uu horay ugu Sameeyay Taliyihii Booliska Puntland oo Shalay uu dib shaqadiisi ugu fasaxay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,
Galabta Ilaa Bari ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah oga Furmo Magaaladda Kismaayo shirweyne ay ka qeybgalayaan Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada Dalka, Kuwaas oo sheegay iney ka tashanayaan Masiirkooda,