DHAGEYSO : Dowladda Soomaaliya Oo Wado Qorshe Looga Hortagayo Abaaraha Dalka.

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo Abaaraha weli ka taagan Soomaaliya, kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay Dad iyo Duunyo fara badan.

Kulan dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo Quburo ka socotay dhinaca hay’adaha gargaarka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameysay xogo dhameys tiran oo ku aadan Abaarta ku habsatay dalka.

Saraakiil ka kala socotay dowlada Soomaaliya, Bankiga Aduunka, Midowga Yurub iyo QM ayaa sheegay in qorshaha dowladda ay sameysay uu yahay mid looga samata bixi karo dhibaatooyinka haatan ka jira Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya Xaamud Cali Xasan ayaa xusay in qorshaha cusub ay wado dowlada, islamarkaana ay taageerayaan Ururo Caalami ah uu keeni karo in gargaar la gaarsiiyo dadka Nugul ee ay Abaarahu saameeyeen.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay hoos u dhigi karto khatarta xoogan ay inta badan keenaan Abaaraha dalka, kuwaas oo loo aaneeyo xilli Roobaadyadii la filayay oo yaraaday.

Xiriiriyaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in QM ay doorweyn ka cayaari doonto qorshaha dowladda ee ku aadan in la xoojiyo gargaarka deg dega ah ee la gaarsiiyo goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan musiibooyinka Abaaraha.