DHAGEYSO WAREYSI : Wasaaradda Kaluumeysiga Puntland Oo Iska Fogeysay Iney Bixiso Ruqsadaha Kalumeysiga Sharcidarada ah & Arimo Kale.

0

Wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulka Puntland waxbo kama jiraan ku sheegtay eedeyn dhowaan uga timid Kalluumeysatada, taasi oo ahayd in wasaaraddu aanay waxbo ka qaban baahiyahooda.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Cali Xirsi Salaad ayaa sheegay in ay wax badan ka qabteen baahiyaha Kalluueysatada.

Wuxuu sheegay in ugu horreyn ay la dagaallameen doonyaha sharci darrada ah ee xeebaha Puntland ka kalluumeysanayey iyo sidoo kale cid walbo oo badda amni darro ku waddey.

Agaasimaha ayaa sheegay in wasaaradooda ay dedaal badan ku bixisay sidii loo beeqaamin lahaa kalluunka, kalluumeysatadana looga baahan yahay iney wasaaradda arrintaasi kala shaqeeyaan.

Cabashada ugu daran ee ay qabaan kalluumeysatada Puntland ayaa ah ammarkii dhowaan wasaaradda Kallumeysiga ku mamnuucday soo qabashada kalluunka nooca loo yaqaan Indho Buurka oo aanay dadku hilibkiisa cunin, balse beerkiisa oo kaliya saliid ka qaataan.