Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in duleedka Magaaladaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waxaana wararku ay tilmaamayaan in gaari nuuciisu yahay Noah oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa uu ku qarxay duleedka Magaalada Baladwene ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ugu yaraan 7 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida uu Shabelle u xaqiijiyay taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Hiiraan.
Waxaana uu sheegay in dadkaasi ay la socdeen gaariga qarxay, isaga oo ka gaabsaday in uu faah faahin dheeri ah ka bixiyo cida rasmi ahaan ula socotay gaarigaasi iyo halka uu ku sii jeeday intaba
Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa wada baaritaano dheeri ah oo ku aadan qaraxaasi.