Ugu yaraan Meydadka 20 ruux ayaa xalay laga soo saaray dhismaha goobihii ku burburay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana adag in la’aqoonsado Meydadka la soo saaray, oo qaarkood gubtay, lagana soo bixiyay dhismaha hoostiisa.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Saciid Maxamed Jimcaale oo ka mid ahaa dadkii gurmadka sameynayay ayaa sheegay in goobahaasi laga soo saaray 20 ruux oo Meyd ah, waxaana uu tilmaamay in weli Meydad kale la la’yahay.
Dhinaca kale waxaa dhaawacyo iyo Meydad hor leh la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo warramayaa in isbitaalku uu buux dhaafay, islamarkaana la kala garan la’ayahay Meydadka, oo qaar kood la sheegayo in ay aad u gubteen.
Waxaana saraakiisha caafimaadka ay haatan la tacaalayaan dhawaacyada la dhigay Isbitaalkaasi, oo ay ku jiraan kuwa qaba dhaawacyo halis ah.
Dhimashada ayaa kor u dhaaftay 50, halka dhaawaca uu gaarayo 150 ruux oo u badan dad shacab ahaa oo ay waxyeelo xoogan ka soo gaartay qaraxaasi.