DHAGEYSO : Midowga Afrika Oo Beesha Caalamka Ka Dalbaday In Loo Gurmado Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Zoobe.

2

Ururka Midowga Afrika ayaa dalalka Beesha Caalamka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu samata bixinayo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii xooganaa ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Muqdisho ay u baahanyihiin gurmad caafimaad oo dhinaca dibadda ah.

Waxaana uu intaasi ku daray in Midowga Afrika uu door ku yeelan doono caawinta dadka ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Degmada Hodan.

Ururka Midowga Afrika ayaa bogaadiyay gurmadka xoogan ee sameysay dowladda Turkiga oo diyaarad iyo dhaqaatiir caafimaad u soo diray Magaalada Muqdisho, si loo daweeyo dadka qaba dhaawacyada halista ah.

Ugu dambeyn ayaa waxaa Midowga Afrika uu dalalka caalamka ugu baaqay in ay ka gacan siiyaan xoojinta dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab oo inta badan weeraro khasaaro gaysta ka fuliya Soomaliya

Comments are closed.