TOP DHAGEYSO+SAWIRRO : Dowladda Itoobiya Oo Deeq Daawo Ah Soo Gaarsiisay Magaalada Muqdisho.

0

Dowladda Itoobiya ayaa diyaarad sida Shixnad Daawo ah iyo dhaqaatiir u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo loogu talagalay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo gaareyso illaa 8 Tan oo Daawo ah iyo dhaqaatiir ayaa waxaa gudaha Garoonka Aadan Cadde kula wareegay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa kaga mahadcelisay dowladda Itoobiya deeqdan Daawada ah ee ay soo gaarsiyeen Magaalada Muqdisho.

Waxaana ay sheegtay in dhaqaatiirta ka socota Itoobiya ay tagi doonaan qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho, si ay u dabiibaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Waa deeqdii ugu horreysay ee ka timaada dowladda Itoobiya, tan iyo markii 14 kii bishan uu dhacay qaraxii Zoobe, kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 300 oo ruux.

HOOS KA DHAGEYSO :