DHAGEYSO : Wasiirkii Hore Ee Amniga Oo Ku Eedeeyay Shaqsiyaad Ka Tirsan Dowladda In Ay Fududeeyeen Qaraxii Zoobe

1

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Qaraxii Zoobe ay jiraan shaqsiyaad fududeeyay.

Mr Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan dad Dowladda la shaqeeya, islamarkaana gacansaar laleh Al Shabaab oo u sahlaya in si fudud weeraro ay uga geystaan Magaalada Muqdisho.

Qaraxani oo dhacay 14-kii Bishaan October 2017 ayaa galaaftay Nolosha illaa 300 qof, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaana lagu tilmaamay in uu ahaa Musiibo Qaran, iyadoona dadweynaha Soomaaliyeed ay billaabeen taakuleynta ehellada dadkii wax ku noqday weerarkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi Taakuleyn ah u Magacaawday dhibaatadaasi ka dhacday Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan.

Iyadoo sidoo kale Xarun loogu Magac daray Gurmad Qaran ka hir gelisay Magaalada Muqdisho, taas oo ay iska diiwaan gelinayaan Caruurtii ku Agoontowday weerarkaasi.

DHAGEYSO CODKA :

Comments are closed.