Maxaa Soo Cel-Celiya Weerarada Qaraxyada ah ee Muqdisho ?

0

In ka badan 10 sano ka dib markii ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika la geeyay, maxay tahay sababta magaalada xeebta ah ay wali oga dhacayaan weerarada qaraxyada ah?

Todobadkii Hore Qarax Gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay Muqdisho waxaana ku dhintay in kabadan 350-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in kabadan 500 oo qof.

su’aalaha Hadda La is weydiinayo waxaa kamid ah sababta in kabadan 10 sano ay soomaaliya wax oga qaban la’yihiin ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, & Lix sano kadib markii Kooxda Al-Shabaab ee lala xiriiriyay Al-qaacida waxey weerarada wali oga geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Xukuumada soomaaliya ayaa ku eedeysay 14kii October qarixii Zoobe iney ka danbeeyeen Ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa talaadadii sheegay in qaraxii Zoobe lala beegsaday goob mashquul badan oo ay ku yaalaan Maqaaxiyo, Dukaamo, Xafiisyo iyo Guryo Deegaan ah oo ay ku noolaayeen Dad Rayid ah,

Tani waa Cadaadooda, Tani Waa Wax ay sameeyaan, “Ayuu yiri Farmaajo.

Tan iyo Bilowgii Sanadkaan in kabadan 20 qarax ayaa lagu bartilmaameedsaday magaalada muqdisho, Halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof waxaana ku dhaawacmay in kabadan 630 qof.

Inta badan weerada waxaa fuliyay Al-Shabaab, Taas oo lumisay xakameyntii amniga ee Magaalada Caasimada iyo Magaalooyinka Kalaba,

“Howlgalka Amniga waa lakala qeybiyay Waxey kala joogaan Ciidamadu Villa Soomaaliya, Garoonka Diyaaradaha, Madaxtooyada, Meelo Ka baxsan Ciisimadda iyo kuwa Nabad Ilaalinta Kamid ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayuu Yiri Afhayeenka AMISIOM,

“Shantii bilood ee ugu dambeeyay waxaan sameynay Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo ka kooban 500 askari oo bilays ah, 500 askar oo sirdoon ah iyo 500 askar oo millatari, waxay joojiyeen weeraro badan ayna badbaadiyeen dad badan,” Sidaas waxaa yiri Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Oo la hadlayay Jazeera.

“Argagixisadu aad ayay u walaacsan yihiin, fursadda kaliya ee ay u furinna waa ismiidaaminta, is miidaamintana Waxaan ka shaqeynaynaa sidii aan u joojin lahayn,” ayuu yiri Wasiir Cusmaan.

“Waxay bartilmaameedsanayaan Muqdisho sababtoo ah waa caasimadda, waxayna doonayaan in ay muujiyaan inay weli yihiin kuwo firfircoon, waana howl quus ah,” ayuu raaciyay Hadalkiisa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya .

Rag Soomaali ah oo wada geerida dhibanaha oo ku dhintay qaraxyadii dhawaan ka dhacay bartamaha Muqdisho [AFP]
Laakiin falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in baahi dheeraad ah loo qabo in la sameeyo oo kaliya Ciidamo Soomaali ah si loo keeno nabad waarta.
Abukar Arman, Oo Horay u soo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, ayaa u sheegay Sidaas Al Jazeera.

Cabdullaahi Boru, oo ah falanqeeye ammaan oo ka hadla arimaha Geeska Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xalal kale marka laga soo tago xulashada millatariga.

“Waajib ma ahan, waa wadahadal siyaasadeed oo ay ku jiraan al-Shabaab tan iyo markii ay ku jiraan baahidooda ugu nugul inay si dhab ah u tixgeliyaan,” ayuu yiri Boru.

Isha : Al-Jazeera News,

Turjumida : Yuusuf Cabdi Shire