Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in door weyn ay ka qaadato taageerada ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan dagaalka lagula Xarakada Al Shabaab.
Mareykanka ayaa waxaa uu shaaciyay in ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka caawinayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka fulinayaan Koonfurta Soomaaliya.
Warkan ayaa yimid, kadib markii dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “farmaajo” uu ku dhaawaqay duulaan xoogan oo lagu qaadayo Al Shabaab, kadib weerarkii dhawaan ka dhacay Zoobe.
Dowladda Mareykanka ayaa weerar milateri ka fulisay Soomaaliya markii talada dalkaasi uu la wareegay madaxweyne Donald trump.
Diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka, gaar ahaan kuwa aan cidi wadin ee loo yaqaan Droneska ayaa 19 weerar ka fuliyay Soomaaliya illaa iyo bishii January ee sanadkan.
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa waxaa diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ku qaadeen goobo ay Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya