Qoysas barakacayaal ah oo bilhii lasoo dhaafay ku sugnaa duleedka xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalado bani aadanimo oo isbiirsaday kuwaas oo ay ugu horeeyaan nolol xumo xagga caafimaadka, waxbarasho iyo biyo la,aan iyo dhibaatooyin kale.
Waxaa jira goobo waxbarasho xagga qur’aanka ama Maadiga lagu dhigo balse ay Macaliinta ka cabanayaan dhibaatooyin.
Iidle Cumar oo ah gudoomiyaha xeradan feer sagaaro ee duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Calanleey ayaa sheegay in xerada ay ka jiraan xaalado banii’aadnimo oo xagga caafimaadka, waxbarasho iyo biyo la,aan iyo dhibaatooyin kale.
Haweenka halkan degan ayaa ah kuwa inta badan ku dadaala sidii ay u maarayn lahaayeen noloshooda iyo mida qoyska iyagoo gudaha magaalada Kismaayo ka qabta shaqooyin yaryar oo ay ka helaan dhaqaalo aan ku filnayn.
Si kastaba ha ahaatee barekacaaya ku sugan magaalada kismaayo ayaa ku dhib qaba nolosha aasaasiga ah iyagoona dawalada iyo hayadaha samafalka ka codsaday inay gargaar bani aadanimo lasoo gaadhaan.