Shirkii Madaxweynaha Somaliya uu ku dhawaaqay inuu qabsoomayo 28-ka October oo maanta ku beegan ayaa baaqday sida uu sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya Cabdi Siciid Faarax (Juxaa).
Wasiir Juxaa oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegay in shirka uu baaqday, maalinta berri ahna uu qabsoomayo.
Sababta baaqashada Shirkan ayaa wuxuu ku sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya in maanta ay imaanayaan madaxda dowlad Goboledyada kuwa dhiman, maadaama weli aysan Muqdisho soo wada gaarin.
“Shirkii maanta dib ayuu u dhacay sababo ku aadan in madaxda maamul goboledyada aysan wada imaan Muqdisho illaa galabta waa ay soo dhameystirmayaan, markaa ka dib berri ayuu shirka furmayaa.” Ayuu yiri Wasiir Juxaa.
Muqdisho hadda waxaa jooga Madaxweynaha Koonfur Gabeed oo shalay soo gaaray Magaalada, sidoo kalena waxaa maanta Tagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu berri qabsoomo, waxaana diirada lagu saarayaa arrimaha la xiriira khilaafka ka dhex taagan Dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira.
Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa waxa ay sameysteen Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada, waxaana culeys siyaasadeed ay ku saarayaan dowladda dhexe ee dalka.
DHAGEYSO WARBIXIN :