Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, GUdoomiyaha Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Ku xigeenkiisa labaad Maxamed Sh Axmed Maalin oo dhamaantood uu qilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo madaxweynaha Galmudug ayaa gelinkii danbe ee maanta Sooraagay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.
Ma’uuliintaan oo diyaarad gaaruhu ay kasoo qaaday magaalada Cadaado oo tan iyo markii uu soo ifbaxay qilaafka ka dhaxeeya hogaanka Galmuudg ay ku sugnaayeen ayaa hadal kooban oo ay warbaahinta ku siiyeen qeybta Gudaha Garoonka Aadan Cade waxaa ay ku sheegeen in uu u yeeray madaxweynaha Dowlada federaalka
Soomaaliya balse aan wali loo sheegeen waxyaabaha lagala hadli doono.
Gudoomiayah Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa oo ka hadlay qilaafka todobaadyadii danbe ka dhax jiray madaxda Galmudug ayaa sheegay inay muhim yahay in la tixgeliyo sharciga iyo waxbaahaya ay ku heshiiyeen qabaa’ilada ku midoobay Galmudug.
Galmudug ayuu sheegay inay leedahay dastuur lagu heshiiyay iyo ilaaliyaal beelaha Galmudug ay u dhanyihiin basle ay muuqtaan astaamo calaamad u ah in leyska indha tirayo ku dhaqanka shariyada iyo xeerarka Galmudug.
Dhankiisa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo xoojiyay hadalka Gudoomiyaha Barlamanka ee ah in sharciga la ilaaliyo ayaa meesha ka saaray warka ah faragelin dowlada dhexe ay ku heyso arimaha Galmudug.
Waxaa uu sheegay Maxamed Xaashi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug inaan si kale loo dhigin qilaafka u dhaxeeya isaga madaxda kale ee Galmudug oo ay tahay kaliya arimo siyaasadeed basle aysan la xiriirin qabaa’il iyo waxbaayo kale sida uu yiri.
Inkastoo mas’uuliinta uu qilaafku ka dhaxeeyo ee Galmudug aysan sheegin inay muqdisho u yimaadeen wada hadal lagu dhax dhaxaadiyo hadana arintu waxaa ay u muuqataa in dowlada soomaaliya ay wada hadashiineyso lamana ogo waxaa kasoo bixi doona hadiiba leys hor fariisiyo
Comments are closed.