DHAGEYSO : Xildhibaan Cabdi Barre ” Dowladdu Tacsi Kama Rabnee 24-saac Gudaheed ha oga jawaabto Qaraxyada “

0

Xildhibaan Cabdi barre Yuusuf Jibriil oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay qaraxyadii qasaaraha geeystay ee ka dhacay Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in ay tahay nasiib daro weeyn in shacabka Soomaaliyeed la gumaado islamarkaasina lagu laayo dadka shacabka ah ee aan wax galabsan isaga oo tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyadii Shalay.

Waxa uu ugu baaqay in shacabka iyo dowlada ay iska kaashadaan la dagaalanka dadka qaraxyada ku leeynaya dadka shacabka.

Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay 24-saax Gudahood ay uga jawaabto qaraxyadii dadka lagu laayay ee ka dhacay Muqdisho.