Xildhibaan Cabdi barre Yuusuf Jibriil oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadii qasaaraha geeystay ee ka dhacay Muqdisho.
Xildhibaan Cabdi Barre Oo Wareysi siinayay Caawa Warbaahinta All-Galgaduud Media Ayaa sheegay in ay tahay nasiib daro weeyn in shacabka Soomaaliyeed la gumaado islamarkaasina lagu laayo dadka shacabka ah ee aan wax galabsan isaga oo tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyadii Shalay.
Waxa uu ugu baaqay in shacabka iyo dowlada ay iska kaashadaan la dagaalanka dadka qaraxyada ku leeynaya dadka shacabka.
Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay Wax badan ka qabato Hay’adaha Mukhaabaraadka ama Sirdoonka, si wax looga qabto meelaha laga soo abaabulo weeraradan,
Ugu danbeyn ayuu ugu baaqay Shacabka soomaaliyeed iney isku tashtaan oo la shaqeeyaan Ciidamada amaanka, si aysan u sii socon xasuuqa maalin walba laga geysanayo caasimada iyo magaalooyinka kalaba,
Wuxuu dhinaca kale u baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku shirsan Muqdisho oo uu ka codsaday iney ka hadlaaan wax Maslaxad ugu jirto Umadda Soomaaliyeed
DHAGEYSO WAREYSIGA XILDHIBAANKA :
Comments are closed.