Kulankii 24 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga Labaad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayey maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana soo Xaadiray 150 Mudane.
Ugu horreyn Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeeydka Batroolka oo ay soo diyaaarisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya.
Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa xubanaha Baarlamaanka u sharxay muhiimadda Sharcigan u leeyahay Dalka.
Waxaana uu sheegay in uu sare u qaadi doono wax soo saarka Dalka iyo hormarinta Bulshada.
Dhinaca kale Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee Baarlamaaka.
Waxaana uu sheegay in ay ka wada hadli doonaan xaaladda ammaan ee dalka, iyo weeraradii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ayaa Tacsi u diray Ehellada dadkii dhintay weerarkii maalin ka hor ka dhacay Hotel Naasa Hablood 2 ee Degmada Xamarweyne.
Waxaana la filayaa in kulankan gelinka dambe ee maanta uu ka dhoco xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.