Xubno ka tirsan Odayaasha Dhaqanka iyo Culuma’udiinka Beesha Mudulood oo shir u yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa siweyn uga soo horjeestay shirarka lagu qabanayo Magaca Beesha Hawiye oo ay sheegeen inaysan jirin cid iyaga u metesha ama ay u dirsadeen.
Kulankaan ayaa waxa ay u Wakiisheen in ay Saxaafada la hadlaan
1: Sheekh Ibraahim Maxamed Weeydoow
2: Caaqil Maxamuud Xasan Biyoow
3: Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle (Qaloosh) iyo Nabadoon Maxamed Cali Cumar Odayoow ayaana
siwadajir ah u sheegay in ay taagersan yihiin Dowladda Soomaaliya shirarka socdaana ay yihiin kuwo aysan aqbali doonin in Magacooda lagu dhaawaco Dowladda Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Codadkooda