Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay shirkii Wadatashiga madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uga furmay Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka helo xasilooni siyaasadeed.
C/wali Gaas ayaa sheegay in dowladihii hore ay hareeyeen khilaaf aanan la ogeyn waxa uu ku dhisan yahay, waxaana uu soo jeediyay in wadajirka uu halkan ka bilowdo, isla markaana cadawga meel looga soo wada jeesto.
Waxaa uu sheegay in arrimaha masiiriga si sax ah looga wada hadlo, isla markaana dhanka xasilinta dalka kaliya laga shaqeyn oo la sii wado howlaha maamul u sameynta, dowlad wanaaga, federaaleynta, iyadoo ay bar bar socoto xoreyntii dalka.
Mr Gaas ayaa sheegay in shuruucda dalka lagu dhaqi lahaa laga wada hadlo, balse aan loo baahneyn in sharciyada qaar lala ordo oo Baarlamaanka ansixiyo, iyadoo ana wada tashi laga yeelan
“Sharci hebel ayaa baarlamaanka ansixinayaa oo aan waxba laga ogeyn, oo wax lagala cararayo aan muuqan, waxaa loo baahan yahay sharciyada la ansixinaya in marka hore wadatashi laga yeesho, wax walbana si waadix looga shaqeeyo, markaas ayay kalsooni ka dhex abuuri kartaa bulshada dhexdeeda”ayuu yiri C/wali Gaas.
Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa arrimaha ay ku cel celinayeen waxaa ka mid ahaa midnimada iyo in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab, hase ahaatee hadaladooda ayaa ahaa kuwo meelo kale ku kala duwanaa.
Comments are closed.