DHAGEYSO : Koonfur Galbeed oo ka warbixisay howlgalada Al-Shabaab looga saarayo degaanada Koofur Galbeed.

0

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/risaaq Cabdi Aadan oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalada Al-Shabaab looga saarayo degaanada Koofur Galbeed.

Waxa uu sheegay in Ciidamada kala duwan ee Koonfur Galbeed heegan buuxa la geliyay islamarkaana uu dhawaan bilaabanayo howlgalka Al-Shabaab looga xureynayo degaanada koonfur Galbeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalada marka ay bilowdaan ay ka rajeynayaan in ay guulo kaga gaaraan Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka koonfur Galbeed ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab looga cirib tiri lahaa guud ahaan degaanada ay hada kaga sugan yihiin gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh aadan uu sheegay in Al-Shabaab ay ku sii xoogeysanayaan degaanada koonfur Galbeed islamarkaana ay bilaabayaan howlgalo.