Dowladda Japan oo WHO ugu deeqday Lacag wax looga qabanayo Caafimaadka Soomaaliya

0

Muqdisho (Sh. M. Network )-Hay’adda QM Caafimaadka Aduunka WHO ayaa sheegtay in dowladda Japan ay ugu deeqday 2 Million oo dolar, taas oo wax lagu qabanayo Arrimaha Caafimadka Soomaaliya, gaar ahaan  cudurka Shuban Biyoodka oo xilligani ka dilaacay Koonfurta  iyo Bartamaha  Soomaaliya.

Waakiilka WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr. Ghulam Popal ayaa xusay in dowladda Japan ay damaanad qaaday 2 Million oo dollar,taasi oo lagu badbaadinayo dadka uu soo ritay cudurka Shubanka  oo maalin waliba ugu dhimanaya gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Mr popal ayaa uga mahaceliyay dowladda Japan sida deeqsinimada leh ee ay uga qeyb qaadaneyso caawinta iyo badbaadinta dadka ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo xiLligani baahi weyn u qaba in laga taageero dhanka caafimaadka.

Shalay ayey ahayd markii hay’adda WHO ay soo saartay warbixin sheegeysa in ku dhawaad 5 Million oo Qof  oo ku nool Soomaaliya, ay Qatar weyn ugu jiraan in uu ku dhaco cudurka Shuban Biyoodka, halka bishii October ee aynu ka soo gudubnay  dad ka badan 1000 Qof  ay u dhinteen cudurkaasi