Xaakimka Soomaaliyeed ee C/qawi Axmed Yuusuf ayaa mar kale loo doortay inuu garsoore ka ahaado Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, kadib Doorasho ka dhacday xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
Xaakim C/qawi ayaa Maxkamadaasi Garsoore ka soo ahaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaas.
C/qawi ayaa ka mid ahaa Shan Garsoore oo shalay ay cod u qaadeen Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Saraakiil Soomaali ah oo ku sugan goobta Doorashada ayaa waxa ay sheegeen C//qawi wareegiisii Shanaad ee ugu dambeeyay inuu helay 42 cod, shaqadiisana ay bilaabaneyso bisha Febraayo 2018-ka.
Soomaalida ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa ku sugan New York ayaa waxa ay sheegeen Soomaaliya arrintan in ay uga dhigan tahay guul, aadna ay u soo dhaweynayaan.