Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u amba baxay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa ku wehliya socdaalkiisa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale
Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magalaada Baraawe ee xarunta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo dagaalka la filayo in dhawaan ay ku dhaqaaqaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadooo halkaasi ay kusugan yihiin mas’uuliyiinta maamulka Koonfurgalbeed iyo Guddoomiyaha Shabeelada Hoose,iyadoo ay soconayaan qaban qaabo lagu so dhaweynayo raiisul Wasaaraha.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday Baraawe, waxaana ay shalay la wareegeen deegaano hoos-yimaado degmada Baraawe,sidoo kale waxaa bar bar socota duqeymo lagu beegsanayo arggagixisada Shabaab.