Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas dhegaha ugu dhibciyay in ay u soo guuraan magaalada Baraawe oo ah caasimadda Koonfur Galbeed.
Khayre oo shalay booqasho ku tagay Baraawe ayaa sheegay ujeedka uu u tagay Baraawe inuu ahaa sidii loo dhiirgalein lahaa shacabka halkaasi ku nool iyo sidii loo dhagax dhigi lahaa ilaha muhiimka ah ee degmadaasi.
Wuxuu sheegay Khayre in ay garab istaagayaan shacabka Koonfur Galbeed gaar ahaan reer Baraawe, wuxuuna tilmaamay in ay garab ka siinayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Sidoo kale Khayre ayaa sheegay in ay muuqato sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, isaga oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay helaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay.