Xulka Kubadda Cagta Jubbaland ayaa ku guuleystay koobkii Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir ee lagu qabtay Muqdisho iyagoo aargudaasho ku sameeyay dhigooda Puntland oo sanadkii hore rigooreyal kaga qaaday tartanka.
Jubbaland waxey tartankaan ku guuleysteen markii 9-aad, walow aysan wadan magacaan dhamaan tirada koobabka, 8-jeer oo ka mid ah waxaa ku guuleystay gobolka Jubada Hoose oo hoos yimaada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Xamaasadda ciyaarta ayaa noqotay mid labada dhinac u qeybsan wixii ka dambeeyay 15-kii daqiiqo ee ugu horeeyay
ciyaarta, waxeyna Puntland xasiliyeen kulanka madama ay si qal-qal ah ku bilowdeen.
Qeybtii hore ciyaarta labada dhinac kuma guulysan inuu shabaqa soo taabto, waxaana lagu soo wada laabtay garoonka iyadoo koox walba ay dooneyso iney guul gaarto isla markaana ay hanato koobka cadeynaya horyaalnimada soomaaliya dhanka Dowlad Goboleedyada.
Yoonis Cabdiraxmaan ayaa dhaliyay mid ka mid ah goolasha ugu qurxoonaa ee tartanka kas oo laba ciyaartoy ka xariftamay ka hor inta uusan si xawaare ah kubada ugu dhaqaaqin dhanka goolka, si jarmo ah ayuuna goolka u toogtay.
Goolka uu dhaliyay Yoonis ayaa kaga filnaaday Jubbaland iney hanato tartankii mudada ku dhaw bisha ka socday magaaalada Muqdisho.
Natiijada waxey kusoo dhamaatay 1-0, oo ay guusha ku raacday xulka Jubbaland, kuwaas oo ka aargutay dhigooda Puntland madama sanadkii hore rigooreyaal looga qaaday tartanka.
Xulka Jubbada Hoose waxey noqdeen xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta markii la bilaabay iyo xulkii ugu dambeeyay ee ku guuleystay marka laga hadlo 16-kii jeer ee la qabtay waqtigii Dowlad Kacaanka intii u dhaxysay 1972 ilaa 1987.