Kadib shir jaraaid uu ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya,Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa siweyn uga hadlayay howlagada ciidmada Amisom ay ka wadaan Soomaaliya.
Ambassador Francisco Madeira ka dhawaajiyay in ay jirto baahi loo qabo Taagero Deg deg ah oo ay helaan Amisom oo dagaal kula jirta maleeshiyada Shabaab.
Wuxuu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay Danjire Madeira in Ciidamadoodu ay u diyaarsan yihiin ladagaalanka Alshabab,isagoo intaasi ku daray in ay u baahan yihiin taageero dhaqaale.
Mr Madeira ayaa yiri”Waxaan dooneynaa in aan helno taageero dhaqsi ah Ciidamadeenu horay ayey ugu diyaarsanayeen dagaalka ka dhankan ah Alshabab,balse mushkilada ugu weyn ee jirta ayaa ahbaahiyo dhaqaale yari,waxaa laga ma maarmaan ah in dhaqale la heli” ayuu hadlkiisa sii raaciyay Danjire Madiera.
Waxaa la qorsheynayaa Amisom in dhawaan amniga guud ee Dalka ay ku wareejiyaan ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed,waxaana haatan soconaya howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Alshabaab.