WARBIXIN : Shirka turxaan bixinta dastuurka oo Maanta ka furmaya Garoowe

0

Waxaa Maanta oo Jimca ah lagu wadaa in Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland uu ka furmo Shirka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo socon doono muddo Laba Cisho ah.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka Soomaaliya AVV: C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray halkaas ayaa sheegay inuu ujeedkoodu ahaa ka qaybgalka shirka madasha Wasaaradda arrimaha Dastuurka oo Saddexdii bilba mar la qabto.

Shirkan looga hadlayo turxaan bixinta Dastuurka Dalka ayaa waxaa ka qayb galaya dhammaan Wasiirrada arrimaha Dastuurka Dowlad goboleedyada Dalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka Soomaaliya iyo Wasiirada Dastuurka ee Dowlad goboleedyada Dalka ayaa samaystay madal ay ku midaysan yihiin, kadib shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Bishii May ee Sanadkan 2017-ka.