Al Shabaab ayaa Magaalada Muqdisho soo galiyay dhalinyaro cusub oo gaysata dilal qorsheysan dhalinyaradaasi oo Shabaab ay u yaqaaniin amniyaad (madax jibis) kuwaasi oo fuliya dilalka qorsheysan.
Isbedelka ciidamada Shabaab ee dilalka gaysta ayaa si joogto ah loo sameeyaa laba bil kadib, maadaama ay ka cabsi qabaan Shabaab fashil inuu ku yimaado dhalinyarada dilalka u gaysata.
Muddooyinkaan dambe ammaanka Magaalada Muqdisho wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka dhicin dilal qorsheysan, taasina waxa ay ku timid ciidamada dowladda oo ammaanka adkeeyay iyo Shabaab oo raggii dilalka u fulin jiray ka saaray Magaalada Muqdisho.
Dhalinyaro cusub oo ku shaqeysa fekerka Shabaab, oo laga kala keenay Gobolada Shabaabka ay joogaan ayaa todobaadkii la soo dhaafay la isugu geeyay Magaalada Tooratoorow, halkaasi oo dardaaran adag lagu soo siiyay.
Dhalinyaradaasi oo la soo galiyay Magaalada Muqdisho ayaa durba bilaabay inay gaystaan dilal qorsheysan, shalay kaliya Magaalada waxaa ka dhacay laba dil oo ay gaysteen amniyaadka Shabaab.
Xoogaga Shabaab ayaa dilay shalay aroortii Gudoomiye laameed ka tirsanaa Maamulka Degmada Xamar jajab, sidoo kale waxa ay xalay fiidkii dileen nin askari ahaa.
Amniyaadka Shabaab ayaa ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna isugu xiran yihiin koox koox hoostagga rag madax u ah.