Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidamada in ay difaacaan qaranimada dalka, isagoo uga digay inay u fikiraan qaab qabiil,
Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in wadaniyada laga shaqeeyo, isla markaana qofka walaalkaaga ah aadan ku fogeyn qabiil.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo fikiro, qaab ka duwan qaababkii hore, oo ahayd wixii Soomaalida dib u dhigay oo ah qabyaalad, isla markaana loo baahan yahay in loo fikiro qaab qaran.
…Askari xun ma jiro, laakiin waxaa jira sarkaal xun, maxaa yeelay ficilka askariga waa ficilka madaxdiisa, waxaa loo baahan yahay waajibaadkeena in aan gudano”ayuu yiri Madaxweynaha Mudanne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
…Haddii qaabkii hore aan ku jirnay iyo duruufihii adkeyd aan u fikireynay oo ah qaababka guracan ee qabyaaladda, waa in aan u fakirno qaab qaran, qaranka wuxuu u baahan yahay in aan ka fikirno oo aniga ugu horeeyo, waxaa halkan u fadhiyaa umadda Soomaaliyeed, qof qabiil xafiis u fadhiya ama qof matalaya ma jiro, qofka markii uu qaranka u dhaartay qabiil wuu ka fogaaday, wax la isku dhex wadi karana ma ahan”ayuu markale yiri Madaxweynaha Soomaaliya xili uu khudbad u jeedinayey ciidamo tababar loogu soo xiray xarunta taababarka ciidanka ee Turky.
Comments are closed.