Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in aysan waxba ka dhaqan galin heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Maamuladda Khaatumo iyo Somali-land.
Cali Khaliif ayaa sheegay in markii la saxiixay heshiiska kadib aan la isku soo laaban islamarkaana taasi ay mugdi ay galinayso in ay midoobaan Maamuladda Khaatumo iyo Somali-land.
“Anaga iyo Somali-land Heshiis waan kala saxiixanay balse wali lama fulinin,reer hargeysa waxaan ugu baaqayaa in ay u hiiliyaan heshiiska si ay Khaatumo ugu biirto Somali-land, anaga mar walba diyaar ayaan u nahay in aan midowno”, ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State ayaa ugu baaqay beelaha walaala ah ee ku dagaalamaya deeganada Sool iyo Nugaal in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana ay wada-hadlnaa.
Sanadkaan gudihiisa waxaa Magaaladda hargeysa Heshiis ku kala saxiixday Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynihii hore ee Somali-land iyo Cali Khaliif Galeyr waxaana heshiis qeyb ka ahaa in khaatumo ay ku biirto Somali-land.
Comments are closed.