Kulankan Balaaran oo ay soo Qaban qaabiyeen Odayaasha dhaqanka deegaanada waqooyiga gobalka galgaduud ayaa maanta lugu qabtay dagmada caabudwaaq
kulanka ayaa u jeedadiisu ahayd siidii loo soo afjari lahaa Colaadaha u dhaxeeyo bulshada wada dagto dagmada caabudwaaq. waxaana ka qayb galay shirkaasi odayaasha dhaqanka wax garadka deegaanada waqooyiga gobalka galgaduud culumo owdiinka Qurbo joogta ka soo jeedo deegaanad waqooyiga gobalka galgaduud iyo marti sharaf kale
intuuna shirkaasi socdo ayaa waxgaradkii ka qayb galay waxa ay sheegeen in aan loo kala kici doonin ilaa laga soo afjaro Colaadaha u dhaxeeyo bulshada waxa ayna sidoo kale sheegaan in Gabagabado shirkaani la ga soo saari doono Go,aano anfacaayo bulshada caabudwaaq iyo deegaanada ku xeeran
Qaar ka mid ah waxgaradka odayaasha dhaqanka Culumo owdiinka iyo Qurbo joogta oo ka hadlay shirkaasi ayaa ku dheeraaday Ka hadalka Colaadaha u dhaxeeyo bulshada caabudwaaq
Horay ayaa shirar Noocaan oo kalaa Luugu qabtay Dagmada caabudwaaq iyo meelo badan oo dalka Gudihiisa iyo dibadiisa ah kuwaas oo looga hadlay Soo afjarida Colaadaha iyo isdhexgalka Bulshada caabudwaaq kulankaani ayaan ka duwanaa kuwii Hore marka la eego dereenka ka muuqday iyo qabanqaabada shirkaasi
DHAGEYSO WARBIXIN :
SAWIRRO :