Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulan uu maanta ka yeesho darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya.
Dowlada Kenya ayaa darbi weyn waxa ayka dhiseysaa magaalada Beledxaawo iyadoo la sheegayo in dhismaha darbiga uu gudaha u soo galay dalka Soomaaliya ayna taas ka horyimaadeen shacabka ku nool degmada Beledxaawo.
“Guddiga Difaaca Baarlamaanka kulanka uu yeelanayo maanta waxa uu ka soo saari doono war ka soo saari doono dhismaha darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyo degmada Beledxaawo.”ayuu yiri xildhibaan ka tirsan guddiga baarlamaanka Soomaaliya.
Hore ayaa dowlada Kenya loogu eedeeyay inay dhismaha darbiga ay ku sheegtay inay isaga difaaceyso weerarada ugaga imanaya ururka Al-Shabaab uu gudaha u soo galay dhulka Soomaaliyeed.