DHAGEYSO FAAH FAAHIN : Iska Hor Imaad Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda ayaaa maanta ka dhacay Degmada Dharkenley ee G/ Banaadir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay Iska hor imaadkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadan ay isku maan dhaafeen Lacago Canshuuro ah oo laga aroorinayay Xaafadda Kaawa Godey ee Degmadaasi Dharkenley, halka warar kalena ay sheegayan in Iska hor imaadkan uu ka dambeeyay Muran ka dhashay Dhul ku yaalla Xaafadaasi.

Iloo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 2 Askari oo ka tirsnaa Ciidamadii ku dagaalamay halkaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Dharkenleu oo ku aadan Iska hor imaadkan.

Balse Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka Rayidka ah ee an waxba galabsan.