DHAGEYSO : Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyey Socdaal uu ku marayey Goboladda Sool iyo Sanaag

0

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta maal gashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta soo gaba-gabeeyey Booqasho Afar maalin qaadatay oo uu ku marayey qeybo kamid ah Deegaanada Goboladda Sool iyo Sanaag,

Waxaana uu booqashadiisa kusoo gaba-gabeeyey degmadda dhahar, halkaasi oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda oo kusoo dhowayey duleedka Magaaladda, Wasiirka ayaana warbixino ka hadlaya baahiyaha iyo nabad geliyada ka dhagaystay dadka deegaanka.

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Maal gashiga Dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo lahadlayey bulshaddii degmadda dhahar kusoo dhoweysay, ayaa waxa uu shegay in dowladda federaalka Soomaaliya uu ugudbin doono natiijada socdalkiisa.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay u kuur galayaan xaaladda Nololeed ee ku sugan yihiin dadka ku nool deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo hormarka ka jira.

Wasiirka oo socdaalkiisa soo gabagabye, ayaa kormeeray garoonka diyaaraddaha Magaalada Garoowe oo dhismihiisu gabagabo yahay, waxaana uu kula kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole oo hadda ah Senatar ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya.

Ugu Danbeyna Wafdiga wasiirka Ayaa isla Maanta Ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Garowe, isagoo dib ugu laabtay Magaaladda Muqdisho.