Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu todobaadkan safar ku tago dalka Jabuuti kaddib doorashadiisii 13kii November ee Sanadkii la soo dhaafay.
Muuse waxaa uu hoggaamin doonaa wafdi ay ka mid yihiin qaar kamid ah golahiisa wasiirrada sida Wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali SHire, Wasiirka Caddaaladda Nuur Cismaan Guuleed iyo xoghayaha madaxweynaha oo ah Mubaarik Ismaaciil Cabdi.
Safarkan waxaa uu yimid kaddib markii Madaxweynaha Dalkas Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu casuumaad gaar ah u fidiyay Madaxweynaha Somaliland iyo wafddigiisa.
Waxbaayaha la filayo in madaxda Jabuuti iyo kuwa Maamulka Somaliland ka wadaan waxaa ka mid ah Saldhigga Berbera ee uu Imaaraadka ka dhisanayo Berbera,kaas oo xukuumaddii hore ee Kulmiye meel marisay hayeeshee Muusi Biixi dib uga gurtay.