Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Hoggaamiye ku xigeenka Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ay ku dartay liiska hoggaamiyayaasha argagixisada caalamiga ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda waxaa ay sheegtay in Abuukar Cali Aadan la xannibay hantidiisa caalamka ,gaar ahaan midda Mareykanka.
Sidoo kale Wasaasaradda waxaa ay mamnuucday in muwaaddiniinta Mareykanka ay xiriir iyo falgal la sameeyaan Abuukar Cali Aadan.
Mareykanka waxaa uu guud ahaan Al-shabaab ku daray liiska Ururrada uu u aqoonsanyahay Argagixisada Caalamiga ah,waxaana billowgii Sanadkii hore Madaxweynaha Mareykanka uu kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.