WARBIXIN : Madaxweyne Farmaajo oo Shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Puntland oo ay sidoo kale ka qayb galeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in guud ahaan dalka u siman yahay dhaqaalaha lagu keeno magaca Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas waxa ugu horreeyo ee uu kala hadlay ahayd arrinta ku aadan dhaqaalahaasi iyo sida maamulkooda ku heli karo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Puntland inay muhiim tahay ka fekerida aayaha shacabka Somaliyed, maadaama shacabka ay sugayaan masuuliyiinta xilalka u haysa.

“Dhaqaalaha dalka soo gala oo magaca Soomaaliya lagu keeno kaliya malahan meel gaar ah, dhaqaalahaasi waxaa loo asteenayaa guud ahaan baahida dalka ka jirta, maxaa yeelay dadka loo adeegayo ayeey ka mid yihiin, waxaan idiin sheegayaa Madaxweyne C/wali wax kale igalama hadlin, 90% wada hadalkeennii waa intaasi, waxaan umadda Soomaaliyeed loo keeno annaga qeybteennii aaway, baahi badan baan qabnaa, hawlo badan oo horumarin ah baan u baahan nahay, waxaan u baahan nahay in qaybteenna halkaasi lasoo dhigo, runtii awal wax badan ma jirin, hadda waxbaa bilawday insha Allah waan soo gaarsiineynaa Puntland guud ahaan umadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.