Xildhibaanka laga doorto degaanka Kitui East, Nimrod Mbai,ayaa muddo 10 maalmood ah u qabtay in Xoolaleyda Soomaalida ah ay kaga baxaan Gobolkiisa kaddib markii sida uu sheegay Soomaalida ay xaalufinayaan beeraha iyo Biyaha degaankaas.
Kulan ay qaateen madaxda gobolka iyo dadka degaanka ayey isku afgarteen in Soomaalida laga saaro degaannadaas maaddaama ay dhibaato badan ku hayaan.
Qoraal uu Facebookiisa ku soo qoray ayuu ku sheegay in Soomaalida ay beeraha dadka degaankaas ku daajiyaan xoolaha,marka beeroleyda isku dayaan in xoolaha iska celiyaanna ay weerar kala kulmaan xoola dhaqatada halkaas oo uu ka dhasho khasaare nafeed.
Waxaa uu sheegay in intaas ka badan dadka degaankiisa aysan u dulqaadan karin in Soomaalida sii joogaan,waxaana amar ku bixiyay in 10 maalmood ay ku baxaan.
Benjamin Nzioka, oo ah ku xigeenka Gobolka ayaa sheegay in Soomaalida ay heystaan 10 maalmood oo ay si nabad ah uga bixikaraan degaankaas wixii ka dambeeyana aysan iyaga mas’uul ka ahayn wixii dhaca.
“Waxaan rumeysannahay in ay jirto biyo la’aan degaanka ah,markii ay biyaha dhamaadaan ee uu dhulka qalalo,waxaa ay ku laabanayaan dalkooda,marka biyaha iyo daaqa la helana ay soo laabtaan,taas waxaa ay caqabad ku tahay nolosha kuwa aan guureyn”ayuu yiri Benjamin Nzioka.
Comments are closed.