Xili jiidaha hore ee gobolka Sool ay kusii qul qulayaan ciidamadii ugu badnaa Puntland iyo Somaliland isla markaasna xiisad dagaal ay ka jirto deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa arintaasi markii ugu horaysay ka hadlay Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo faah faahin ka bixiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda qaybo kamid ah gobolka Sool, kuwaas oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.
Wasiirkan oo kamid ah kuwa kasoo jeeda gobolka Sool ayaa sheegay in xukuumadda Hargaysa aysan duulaan ku ahayn magaalada Garoowe ee caasimada Puntland isla mar ahaan taana aysan ka tallaabayn xadka ay wadaagaan gobollada Sool iyo Nugal, balse qorshahoodu yahay in ciidamada Somaliland tagaan meel kasta oo looga codeeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
“Waxaad ogtihiin in doorashada Madaxweynaha Somaliland oo hadda labo bilood kasoo wareegin laga doortay; ilaa Xallin, Taleex, Tukaraq, Laascaanood, Badhan uu yahay codka dadka uu ku fadhiyo oo ay ku doorteen dadkaas iyagoo maankooda iyo maskaxdooda qaba, waana wax caalamiya oo la ogyahay sanaadiiqda aan Kacayo ka keenay ee lagu dooray Muuse Biixi, waxay ka yimaadeen meel Qardho u jirta 40KMGarowe-na u jirta 30KM ayaa dadku ka codeeyeen iyagoo maankooda iyo maskaxdooda qaba” sidaas waxaa saxaafadda u sheegay Wasiir Koore.
Mar uu hanjabaad u dirayey Wasiir Koore bulsha weynta reer Garoowe ayaa yidhi “Reer Garoowe baan la hadlayaa labo uun bay taagan tahay dhib ma wadno labada ay taagan tahay waxa weeye Laascaanood iyo Garoowe mid uun baa qaxaya”.